Sunday, May 24, 2026
26.7 C
Mogadishu

Baarlamaanka Galmudug oo Ansixiyay sharci lagu dhisayo ciidamo u gaar ah Galmudug +(SAWIRRO)

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Xildhibaannada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug oo Arbacadii maanta kulan aan caadi aheyn ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen Sharciga dhismaha ciidamada Booliska Galmudug..

Sharcigaan ayaa waxaa Baarlamaanka Galmudug u gudbiyay Wasaaradda Amniga Galmudug, waxaana ay uga mahadcelisay sharcigaan oo lagu dhisayo Ciidamo boolis ah oo suga amniga deegaannada Galmudug.

War ka soo baxay Wasaaradda amniga ee maamulka Galmudug ayaa lagu yiri, “Wasaaradda Amniga Gudaha Galmudug waxay u mahadcelinaysaa Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal, Guddiga Amniga iyo Xuduudaha iyo xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug oo maanta si aqlabiyad ah ku ansixiyey Sharciga dhismaha ciidamada Booliska Galmudug.‘‘

Ugu dambeyn, 13-kii bishaan Oktoobar ayaa Wasaaradda Amniga Galmudug ay Baarlamaanka u gudbisay Sharciga dhismaha Ciidamada Booliska Galmudug si loo helo Ciidamo boolis ah oo Galmudug gaar u leedahay kana qeyb qaata sugida amniga deegaannada Galmudug.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...