Saturday, May 30, 2026
27.4 C
Mogadishu

Cabsi xooggan oo ka taagan inuu markale fataho wabiga Shabeelle & Digniin laga soo saaray!

Wabiga Shabeelle

Jowhar (Halqaran.com) – Waxaa jirto cabsi la xiriirta inuu fatahaad sameeyo Wabiga Shabelle ee mara deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan ayaa maamulka Hirshabelle wuxuu soo saaray digniin la xiriirta arrintaasi.

Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Beeraha Maamulka Hirshabelle Maxamed Bashiir Daqare oo la hadlay Warbaahinta ayaa shacabka uga digay inay ka fogaadaan hareeraha Wabiga.

Wuxuu sheegay Wabiga inuu aad u buux dhaafo xilligan islamarkaana haddii biyaha ay soo fatahaan ay gaysan karaan khasaare kala duwan.

Waxaa uu sheegay inay jiraan dad u jeedooyin kale kaleh, kuwaas oo uu sheegay inay qeyb ka yihiin in wabiga uu ku fataho deegaano kale duwan,isaga oo digniin u diray dadka inta badan sameeyo sida uu wabiga ku fatahi karo, isla markaana uu sheegay inay tallaabo adag ay  ka qaadi doonaan.

Sidoo kale, waxaa uu ku amray Guddiyada Kanaaleyda Beeraha Hir-Shabeelle inay iska soo diiwangeliyaan Xafiisyada Wasaradda Beeraha si ay uga wada Shaqeeyaan ka hortagida fatahaadaha Wabiga Shabeelle uu inta badan sameeyo.

Wabiga Shabelle ayaa inta badan fatahaada uu sameeyo waxaa khasaare uu ka soo gaaraa dadka shacabka ah ee beeralayda ah.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...