Monday, April 20, 2026
29 C
Mogadishu

Sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo lagu dilay Jowhar & Al-Shabaab oo sheegatay

Jowhar (Halqaran.com) – Al Shabaab ayaa sheegtay Magaalada Jowhar inay ku dileen Sarkaal ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Somaliya.

Warbaahinta maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa laga baahiyay in ciidamadooda loo yaqaan amniyaadka dil ay u gaysteen Sarkaal ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka.

Ururka Al-Shabaab waxa ay darajada Sarkaalkaasi ku sheegeen Xidigle ka tirsan Ciidamada Xoogga, waxaana intaasi ay ku dareen inay qaateen qorigii uu watay.

Marka laga soo tago hadalka ka soo yeeray Kooxda Al-Shabaab ma jirto ilo wareedyo ka madax banaan Shabaabka oo xaqiijinaya in Sarkaalkaasi Ciidan lagu dilay Magaalada Jowhar.

Amniyaadka maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab ayaa dilal qorsheysan waxa ay u gaystaan Saraakiisha Ciidamada dowladda iyo Shaqaalaha rayidka ee dowladda.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...