Jowhar (Halqaran.com) – Al Shabaab ayaa sheegtay Magaalada Jowhar inay ku dileen Sarkaal ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Somaliya.
Warbaahinta maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa laga baahiyay in ciidamadooda loo yaqaan amniyaadka dil ay u gaysteen Sarkaal ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka.
Ururka Al-Shabaab waxa ay darajada Sarkaalkaasi ku sheegeen Xidigle ka tirsan Ciidamada Xoogga, waxaana intaasi ay ku dareen inay qaateen qorigii uu watay.
Marka laga soo tago hadalka ka soo yeeray Kooxda Al-Shabaab ma jirto ilo wareedyo ka madax banaan Shabaabka oo xaqiijinaya in Sarkaalkaasi Ciidan lagu dilay Magaalada Jowhar.
Amniyaadka maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab ayaa dilal qorsheysan waxa ay u gaystaan Saraakiisha Ciidamada dowladda iyo Shaqaalaha rayidka ee dowladda.
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com