Thursday, June 18, 2026
27.4 C
Mogadishu

Fatahaada Wabiga Shabeelle oo goysay Buundada Warmaxan ee Gobolka Shabeellaha Hoose

Sh/Hoose (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya, in Wabiga Shabeelle uu fatahaad ku sameeyay tuulooyin ka tirsan gobolkaasi.

Waxaa lagu soo warramayaa inuu go’ay waddada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, iyadoo biyuhu ay waddadu ka gooyeen buundada Warmaxan, waxaana kala go’an isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Fatahaadan ayaa ka dhashay dhibaatooyin dhinaca nolosha iyo caafimaad darro dadka ku nool deegaannada gobolka Shabeellaha hoose oo ay wajahayaan.

Ugu dambeyn, qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa codsaday in gurmad lala soo gaaro, islamarkaana wax laga qeybto dhibaatada ay sababtay Fatahaada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...