Monday, April 27, 2026
26.9 C
Mogadishu

Update: Faah-faahin ku saabsan wariyihii wareystay Xaaji Abuukar Caddaan ee la xiray

Muqdisho (Halqaran.com) – Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee (NISA) ayaa la sheegay inay xalay Hooygiisa kala baxeen Wariye Cabdullaahi Kulmiye Cadow oo ka tirsan Idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Radio Kulmiye Burhaan Diini oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in xariga Wariyaha sababta keentay ay kaliya ku tuhmayaan wareysi uu la yeeshay Ganacsade Abuukar Cumar Cadaan oo ay Dowladda xirtay, balse aan faah faahin kale la siin.

Burhaan Diini ayaa sharci darro ku tilmaamay in xilli habeen ah gurigiisa loo dhaco qof aan loo wadin warqad Maxkamadeed, islamarkaana loola dhaqmay sidii qof baxsad ah oo kale.

Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Caddaan ayaa wareysiga uu siiyay Idaacadda Kulmiye wuxuu ku taageeray mabda’a ay u taagan yihiin Al-Shabaab iyo in la laayo Ciidamada AMISOM iyo waxa la socda.

Wareysigan oo hordhaciisa laga sii daayay Barta Facebook ee Idaacadda Kulmiye ayaa gebi ahaanba la joojiyay.

Si kastaba ha’ahaatee, weli wax faah-faahin ah kama bixin laamaha Ammaanka Soomaaliya xariga Wariye Cabdullaahi Kulmiye, balse waxaa uu xarigaan qeyb ka yahay tacadiyada inta badan lagula kaco Wariyeyaasha Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...