Sunday, May 31, 2026
26.9 C
Mogadishu

DF Soomaaliya iyo Talyaaniga oo heshiis cusub kala saxiixday

Beledweyne (Halqaran.com) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa kala saxiixday mashruuc lagu dhisayo Biyo xireenka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Mashruucan ayaa isugu jira dhisme biyo xireen, dayactirka Jiinka iyo kanaalada wabiga, si loo yareeyo khatarta fatahaad ee wabiga Shabelle ku sameeyo magaalada Beledweyne iyo beeraleyda ku xeeran.

Saxiixa heshiiskan oo uu goobjoog ka ahaa siihayaha Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa waxaa Dowladda Soomaaliya u xiixay siihayaha Wasiirka Beeraha Siciid Xuseen Ciid, halka Dowladda Talyaanigana u saxiixay Safiirkooda Alberto Vecchi iyo Madaxa Hay’adda horumarinta Talyaaniga Guglielmo Giordano.

Mashruucan ayaa waxaa ku baxaya lix Milyan oo Yuuro, waxuna isugu jiraa saddex qeybood oo kala ah, dhismaha biyo-xireeno, dayactirka kanaalada iyo tayeynta hay’adaha qaabilsan fatahaadaha.

Sii-hayaha Wasiirka Beeraha ayaa sheegay mashruucani in uu yahay mid ahmiyad weyn u leh deegaannada uu maro wabiga Shabelle oo geysta fatahaado sababa dhimasho iyo burbur hantiyeed, isagoo uga mahadceliyey dowladda Talyaaniga taageerada ay la garab taagan tahay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...