Sunday, May 31, 2026
26.9 C
Mogadishu

Madaxweyne Qoorqoor oo ku dhawaaqay dagaal looga xorreynayo Al-Shabaab deegaannada Galmudug

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa ku dhawaaqay howgal ka dhan ah Ururka Al-Shabaab oo dhawaan Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ay ka bilaabi doonaan deegaannada ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Qoorqoor ayaa xalay ku booqday Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed Qeybta 21aad deegaanno ay ka socdaan howlgalo lagula dagaallamaayo maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Madaxweynaha Galmudug ayaa xusay in deegaannada ay kaga sugan yihiin Al-Shabaab Galmudug in dhawaan lagala wareegi doono, islamarkaana ay diyaariyeen qorshihii lagu qabsan lahaa.

Sidoo kale wuxuu xusay, in Galmudug ay diyaarisay ciidan ku filan dagaalka Al-Shabaab, kaddib markii uu dhawaan tababar u soo xiray ku dhawaad 500 oo askari.

Ururka Al-Shabaab ayaa gacanta ku haya degmooyin ku yaala gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...