Sunday, May 31, 2026
26.9 C
Mogadishu

Maxkamadda sare ee Puntland oo xukun dil ah ku fulisay Nin dilay Hooyadiis

Garoowe (Halqaran.com) – Maxkamadda sare ee dowlad goboleedka Puntland ayaa Sabtidii maanta xukun dil ah ku fulisay nin hooyadiis horey u dilay.

Ninkan oo lagu magacaabo Faarax Cabdi Caagane ayaa la sheegay in uu horey deegaanka Jalam ee gobolka Nugaal ku dilay hooyadiisa.

Maxkamadda sare ee Puntland ayaa ninkaan ku eedeysay in uu Saddex bil ka hor hooyadii marxuumad Xaawo Jaamac Cabdulle ku dilay deegaanka Jalam.

Guddoonka Maxkamada Sare ee Puntland ayaa sheegay in ay heleen caddeymo rasmi ah oo ku saabsan dilka uu hooyaddiisa u geystay ninkaan oo caafimaadqaba.

Lama oga ilaa iyo hadda sababta ka damebysay ninkaan inuu dilo hooyadii dhashay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...