Saturday, May 9, 2026
27.8 C
Mogadishu

WHO oo shaacisay qaab fudud oo looga guuleysan karo Cudurka COVID-19

Muqdisho (Halqaran.com) – Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, ayaa Isniintii maanta shaacisay in cudurka Safmarka ah ee COVID-19, si dhaqso leh looga gudbi karo haddii wadamada adeegsadan qalab saxan, lakiin Madaxda Hay’adda Caafimaadla Adduunka ayaa ka digay in cudurkaan uu sii jiri doono waqti dheer haddii aan la isticmaalin qalab sax ah.

“Haddii aan u isticmaalo aaladdaha aan gacanta ku hayno si sax, waan soo af-jari karnaa cudurkan si dhaqso ah” ayuu yiri Agaasimaha guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka Dr Tedros Adhanom,

Intii lagu guda jiray shirka Financial Times ee Africa oo uu qadka Internet-ka uu kaga qaybgalay. ayuu Dr Tedros xusay in la filayo in dhammaan talaalada Cudurka si dhameystiran loo soo saaro dhamaadka sanadkan 2020 iyo horaanta sanadka 2021.

“Haddii aynaan adeegsan agabka saxda ah ee aan hayno wadamaddana ay haystaan waqti dheer ayuu nala joogaya cudurka safmarka ee COVID-2019” ayuu yiri Agaasimaha guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...