Friday, April 17, 2026
27.8 C
Mogadishu

AKHRI: PUNTLAND oo War cad ka soo saartay Doorashadii maanta ka dhacday Kismaayo +(War-saxaafadeed)!

Dhexe, Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Jubbaland ee maanta la doortay

Garoowe (Halqaran.com) – War-saxaafadeed ka soo baxay dowlad goboleedka Puntland ayaa loogu hambalyeeyay taageerana loogu muujiyay doorashadii maanta ka dhacday magaalada Kismaayo.

Warqadd ka soo baxday Madaxtooyada Puntland ayaa hambalyo loogu diray guddoonka iyo labadiisa ku xigeen ee maanta lagu doortay magaalada Kismaayo, kuwaas oo hoggaami doona Baarlamaanka cusub ee Jubbaland, oo noqonaya Baarlamaankii labaad ee uu yeesho maamulka Jubbaland.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Puntland ay aad u soo dhaweyneyso natiijada doorashadii maanta, waxaana ammaan loogu jeediyay guddiga xuduudaha iyo doorashooyinka ee maamulka Jubbaland.

Sidoo kale maamulka Puntland ayaa ballanqaaday in ay si dhaw ula shaqey doonto Baarlamaanka cusub ee maamulka Jubbaland.

Taageerada ay Puntland u muujisay Baarlamaanka iyo guddoonadiisa cusub ayaa ku soo aadeysa, iyadoo War-saxaafadeed galabta kasoo baxay Xukuumadda Federaalka, kaasi oo gabi ahaanba lagu qaadacay sida ay wax uga socdaan magaalada Kismaayo.

Xafiiska Halqaran.com, Garoowe
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...