Saturday, April 18, 2026
30.1 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Maxaa ka jira in Beelaha Habar-gidir ay ku kala jabeen Shirka Dhuusamareeb?+XOG CUSUB

Dhexe, Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow oo ku sugan xarunta dib u heshiisiinta Beelaha Galmudug

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Shirka Dib-u-heshiisiinta Beelaha Galmudug degga ayaa la filayey in uu maanta ka furmo magaalada Dhuusomareeb, balse dib ayuu u dhacay.

Warar aynu helayno ayaa sheegaya in dowladda Dhexe ay arrimo farsamo xumo awgeed ay dib u dhigtay qabsoomida shirka oo aan muddo loo cayimin.

Sidaan oo kale, waxay aheyd, 5-tii Bishaan oo uu dib uga dhacay in shirka la furo, balse waxaa hubanti ah in ay jiraan tirada loo baahnaa inaysan xaadirin, sidaana shirka loo dhigay in dib u dhaco.

Guddoomiyaha qaban-qaabada guddiga shirka dib u heshiisiinta Beelaha Galmudug, Dr. Cabdiraxmaan Baadiyoow ayaa galabta sheegay in ay jiraan ergooyin badan oo Dhuusomareeb gaartay.

Beelaha Saruur iyo Duduble ayuu xusay oo Habar Gidir ku abtirsada, ayna ergadooda soo dirsadeen, sidaana shirka tiradii loo baahnaa uu gaaray dhawaana la furi doono.

Dr. Baadiyoow ayaa hoosta ka xariiqay, in aysan jirin Beel diidan in ay shirkaas xaadirto, balse si maldahan u sheegay in Habar-gidir aysan diidi Karin oo Beelaha qaar ay ergadooda yimaadeen.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...