Wednesday, April 22, 2026
26.4 C
Mogadishu

Marxuum Cali Khaliif Galeyr oo maanta Aas-Qaran loogu sameeyay Muqdisho +(SAWIRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Salaadda Janaasada ku tukaday, Alle ha u naxariistee, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladdii Kumeel-gaarka ahayd Marxuum Cali Khaliif Galeyr oo Sabtidii maanta aas Qaran loogu sameeyey magaalada Muqdisho.

Diyaaraddii siday Maydka Marxuum Cali Khaliif Galeyr ayaa markii ay soo caga dhigatay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde waxaa naxashka marxuumka oo la huwiyey Calanka Jamhuuriyadda ka soo dejiyey cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo qaadayey Saan-murugeysan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Aaska kaddib si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen Janaasada, isaga oo Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdowsa hoygiisa ka yeello.

Aaskan Qaran ee loo sameeyay Marxuum Cali Khaliif Galeyr waxaa kasoo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed, Wasiiro, Xildhibaanno, Ehelada Marxuumka, Odayaal dhaqan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Allaha u naxariisto, Cali Khaliif Galeyr, Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka ayaa lagu xusuusan doonaa dadaalladii uu ku bixiyey nabadeynta, dib u dhiska dalka, horumarinta iyo samata-bixinta shacabka Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...