Monday, April 27, 2026
26.9 C
Mogadishu

Musharrax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre oo ololihiisa ka billaabay magaalada Nairobi

Nairobi (Halqaran.com) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, ahna musharrax u taagan xilka madaxtinimada dalka oo xalay gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa dalal ka mid ah Geesta Afrika ka

Xasan Cali Kheyre oo muddo Shan maalin ah ku sugnaa dalka Jabuuti ayaa la kulmay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, isaga oo kala hadlay arrimo ku saabsan xaalada dalka iyo doorashooyinka.

Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ayaa sheegaya, in Xasan Cali kheyre uu durba Magaalada Nairobi ka billaabay kulamo uu la yeelanayo xubno ka tirsan dowladda.

Sidoo kale, Kheyre ayaa la filayaa in uu la kulmo siyaasiyiin ku sugan magaalada Nairobi.

Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya hadda ku sugan qaar kamid ah Musharaxiin u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, waxaana la filayaa in sidoo kale ay halkaasi taagaan siyaasyiin kale.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...