Monday, April 20, 2026
28.1 C
Mogadishu

Ciidanka Xoogga dalka oo sheegay inay howlgal ku dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab +(Magacyadooda)

Sh/Hoose (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya, in cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka ay howlgallo ka dhan ah Maleeshiyaadka Al-Shabaab ka fuliyeen tuulooyin hoostaga Bariire.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa ka ruqaansaday deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose, iyagoo xooraan ku helay in Tuulooyinka Balow iyo Nuunaay ay soo galeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya, in ciidanka xoogga dalka ay howlgalkaasi ku dileen labo ruux oo ka tirsan Al-Shabaab, sida ay baahisay warbaahinta Ciidamada.

Taliyaha ururka 143 ee Ciidanka Xoogga dalka Dhamme Axmed Xasan Siyaad oo la hadlay Warbaahinta Ciidamada ayaa sheegay in Howlgalka lagu dilay Abaandulihii Howgalinta  Al-Shabaab iyo Madaxii zakawaadka Shabaab ee gobolka Shabeellada hoose.

Labada labada ruux ayuu Taliye Axmed waxa uu Magacyadooda ku kala sheegay Ciise Timaweyne oo ku magac dheer (Abuu dheere), waxa uuna Al-Shabaab u qaabilsanaa xilka abaanduulaha howlgalinta Al-Shabaab iyo Qooreey oo Al-Shabaab u qaabilsanaa Zakawaadka gobolka.

Ilaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka Ururka Al-Shabaab oo ku aadan in ciidanka xoogga dalka ay dileen Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...