Monday, April 20, 2026
28.4 C
Mogadishu

Wasiir Maareeye oo shaaca ka qaaday in warbaahinta dowladda loo beddelayo mid dadweyne

Muqdisho (Halqaran.com) – Sii-hayaha wasiirka warfaafinta xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeya ayaa maanta furay munaasabad lagu daah furayo geedi socodka hirgelinta adeegga warbaahinta dadweynaha sida uu dhigayo xeerka saxaafada qodobkiisa 32-aad ee uu dhawaan saxiixay Madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Munaasabadaan waxaa goob joog ka ahaa ururada bulshada, ururada Saxaafada iyo qaar ka mid ah hoggaamiyaasha xisbiyada siyaasada dalka.

Wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ku dhawaaqay in hadda waxii ka dambeeyay ay warbaahinta dowladda loo beddelay nidaamka adeega dadweynaha.

“Warbaahinta dowladda waa inay u shaqeysaa sida kuwa caalamka waana u adeegi jirtay shacabkeed, hase ahaatee cid walbo oo bulshada ka mid ah oo ka shaqeyneysa danaha dalka fikirkeeda waa gudbineynaa waana sababta uu Madaxweyne Farmaajo uu u ogolaaday‘‘, ayuu yiri wasiir Maareeye

Xubanaha ururada Saxaafad, bulshada rayidka iyo xisbiyada ayaa soo dhaweeyay, hase ahaate waxa ay ugu baaqeen hoggaanka wasaaradda warfaafinta inay ka dhabeeyaan hirgalinta adeegga warbaahinta dadweynaha.

Madaxweynaha JF Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa hore u saxiixay xeerka Saxaafada, kaas oo kasoo gudbay labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ay soo diyaarisay wasaaradda warfaafinta dowladda Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...