Nuxurka Khudbadii Madaxweynaha Jubbaland uu ka jeediyay kalfadhiga 3-aad ee golaha Wakiilada Jubbaland

Kismaayo (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Talaadadii maanta furay Kal-Fadhiga Sadexaad ee golaha wakiilada Jubaland, isagoo khudbadiisa furitaanka kaga hadlay dhinacyo kala duwan.

Ugu horayn madaxweynaha ayaa xildhibaanada uga warbixiyay Xaalada Jubbaland, isagoo sheegay in muddo hal sano ah ay kasoo wareegtay markii dib loo doortay sababta uu ilaa hadda xukuumada usoo dhisi la’yahayna ay tahay in uu raadinayo midnimo iyo wadajir Jubbaland oo dhan ah taas oo illaa hadda guulo la taaban karo laga gaaray.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in hadda wixii ka dambeeya uu soo dhisi doono Xukuumad tayo leh oo ka dhabaysa himilooyinka shacabka iyo filashada ay ka qaban Dowladooda.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa bogaadiyay deddaalka ay wado wasaarada Arrimaha gudaha Jubbaland ee lagu dhisayo golaha deegaanka degmada Afmadow, isagoo xusay in sidoo kale la bilaabi doono dhismaha golayaasha deegaanada Degmooyinka kale gaar ahaan Gobolka Gedo.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyay in arrimaha doorashooyinka heer federaal laga gaaray heshiis dhab ah kaas oo dhabaha u xaaraya sidii dalka uu ugu jihaysan lahaa doorashooyinka 2020/2021 taas oo ah wado aan la dhaafi Karin oo sal iyo Tariikh lagu yaqaano ah dowladnimadeena in afartii sanaba hal mar ay dhacdo Doorasho dalka u jigaysa wadada Hormarka.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ugu damebyn uga mahadceliyay Golaha Wakiilada Jubaland shaqooyinka waxtarka leh ee ay hayaan isagoo si rasmi ah u furay Kal-fadhiga Sadexaad ee Golaha Wakiilada Jubbaland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com