Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalk ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Isniintii maanta xafiiskiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Safiirrada dalalka caalamka u fadhiya Soomaaliya iyo wakiillada Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika.
Kulanka ayaa la isku dhaafsaday talooyin ku aaddan xaaladda waddanka iyo sidii ay u dhex mari lahayd Xukuumadda cusub wada-shaqayn dhow, isla markaana horay loogu sii wada ambaqaadi lahaa horumarrada ay dowladdu gaartay.
Waxaa sidoo kale kulankaan qeyb ka ahaayeen sii-hayaha Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed iyo sii-hayaha Wasiirka Arrimaha dibedda M. Axmed Ciise Cawad.
Safiirrada ayaa muujiyay taageeradooda Ra’iisul Wasaaraha cusub una rajeeyay in uu ku guuleysto howlaha muhiimka ah ee horyaalla Xukuumaddiisa.
Waxayna ammaaneen arrimaha mudnaanta u leh Ra’iisul Wasaaraha Rooble ee Amniga, Doorashooyinka iyo Dib-u-habeynta hannaanka maaliyadda.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com












