Wednesday, May 27, 2026
26.5 C
Mogadishu

Faah-faah ku saabsan Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Faah-faahin ku saabsan qarax khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira geystay oo ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho, kaasi oo lala beegsaday gaari ah saarnaayeen ciidamad dowladda.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, ayaa waxaa lala eegtay gaariga Ciidanka ay wateen, waxaana ku dhintay hal Askari, halka laba kale ay ku dhaawacmeen.

Wararka ayaa intaasi ku daraya, in qaraxa uu ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha, kaasi oo sidoo kale waxyeello gaarsiiyay gaarigii qaraxa lala eegtay, kaasi oo goobta ku halaabay.

Ciidamada dowladda ee ku sugan deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa u gurmaday askarta dhibaatada ay soo gaartay, kuwaasi goobaha caafimaadka loo qaaday.

Wararka ayaa sheegaya, in ciidamadan la qarxiyay ay ku sii jeedeen Gobolka Shabellaha hoose, iyagoo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho.

Inta badan waddada u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa ku aasan miinooyin badan oo halkaasi ay galiyeen Ururka Al shabaab, si ay ula beegsadaan ciidamada ku safra wadada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...