Monday, June 22, 2026
25 C
Mogadishu

Dilalka Dhallinyarada Soomaalida oo aad ugu sii kordhay dalka Sweden

Stockholm (Halqaran.com) – Waalidiinta iyo bulshada Soomaalida ee ku nool dalka Sweden ayaa walaac xooggan ka muujiyay, dilalka dhallinyarada Soomaalida ee ku nool waddankaasi oo aad u sii kordhay.

Dalka Sweden ayaa waxaa ka jira koox burcad ah oo dhallinyarada Soomaalida ay qeyb ka yihiin, kuwaasi oo dilalka gaysta ama ayaga loo gaysto.

Kooxahan ayaa ah kuwa ku lug leh ka ganacsiga daroogada, taasi oo horseedda inay isku dhacaan ayaga oo ku dagaalamaya daroogada, kadibna hogaamisa dilalka.

Sidoo kale, waxaa jirta dhallinyaro Soomaali ah oo aan kooxahan qeyb ka ahayn, balse mararka qaar la kulma dilal, ayada oo dhowaan la dilay wiil Soomaali ah.

Ugu damebyn, dilalka dhalinyarada Soomaalida kuma koobna kaliya dalka Sweden, balse waa mid ku baahsan dalal badan oo ay Soomaalidu degtey, kuwaas oo ku kala yaalla qaaradda Yurub iyo Waqooyiga America.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...