Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa in Maalinta berri oo Isniin ah la horgeeyay Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BF Soomaaliya si ay kalsoonida u siiyaan ama u diidaan.
Mr. Rooble ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa uu kulamo kala duwan la qaatay Guddoonka Golaha Shacabka iyo qaar kamid ah Xildhibaannada, isaga oo kala hadlay sidii ay codka kalsoonida u siiyaan lahaayeen.
Markii ugu horreysay tan iyo markii la Magacaabay ayuu Ra’iisul Wasaaraha cusub warbaahinta ka soo muuqday, isaga oo Xildhibaannada Golaha Shacabka ka codsaday inay codka kalsoonida siiyaan.
Haddii la ansixiyo Ra’iisul Wasaaraha cusub, wuxuu si deg-deg u soo dhisi doonaa Xukuumad cusub oo badi xubnaheeda Wasiirada ay diyaarsan yihiin.
Sidoo kale, waxaana jira Xildhibaanno ka tirsan golaha Shacabka oo deddaal xooggan ugu jira inay ka mid noqdaan Xukuumadda Cusub, waa haddii la ansixiyo.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





