Sh/Hoose (Halqaran.com) – Ururka Al-Shabaab ayaa waxay gobolka Shabeelaha Hoose ku soo bandhigeen Diyaarad Nooceeda uu yahay Drone oo maalin ka hor ku soo dhacday meel u dhow deegaanka Bali-doogle ee Shabeellaha Hoose.
Al-Shabaab ayaa diyaaradan ku sheegay, inay ku xiran yihiin Kaamirooyinka wax basaasa, xilligii ay soo dhaceysana waxa ay sheegeen inay ku howlaneyd Diyaarada basaasida deeganada Al-Shabaab ay joogaan, sida lagu baahiyay baraha Internet-ka ee Ururka Al-Shabaab
Burburka Diyaaradan oo ay gacanta ku hayaan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa lagu hayaa Deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoo Al-Shabaab ay ka fureen Kaamirooyinkii ku xirnaa.
Dhowr jeer hore ayay sidaan oo kale gacanta ugu dhigeen Ururka Al-Shabaab Burburka Diyaarad Drone ah oo ku soo dhacday gobolka Shabeelaha Hoose.
Si kastaba, diyaaradaha Drones-ka ayaa inta badan waxaa isticmaala dowladda Mareykanka, iyadoona u adeegsata howllo gaar ah oo ay u aragto muhiim.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





