Friday, April 17, 2026
29.9 C
Mogadishu

UPDATE: Diyaarad ku burburtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Diyaarad nuuca xamuulka qaada oo ay leedahay shirkadda Sky ward ee dalka Kenya ayaa ku burburtay dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan ee garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Diyaaradan oo ay la socdeen afar ruux oo isugu jiray duuliyihii diyaarada iyo Shaqaalaha ayaa qaarkood waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya, in diyaaradda ay ku dhacday darbiga xayndaabka Garoonka Aadan Cadde, sidaasina uu ku yimid shilka sida xubno ku sugan garoonka Aadan Cadde ay xaqiijiyeen.

Sidoo kale, wararka ayaa intaasi ku daraya, in diyaaraddaasi laga soo saaray illaa afar qof oo laba ka mid ah ay dhaawacyo yihiin, waxaana dadka la soo  bad-baadiyey ku jiro Duuliyaha iyo caawiyihiisa, sida ay wararka sheegayaan.

Diyaaradan oo siday xamuul ayaa waxa ay ku sii jeeday mid ka mid Gobollada dalka oo ay xamuul u siday, balse shilkaasi ayeey gashay.

Waxaa hadda ka socda baaritaano ku aadan shilka diyaarada iyo Waxaana Garoonka ku sugan xubno Ajaanib ah oo wada Baaritaanka diyaaradan dhacday.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...