Friday, April 17, 2026
29.9 C
Mogadishu

Mareykanka oo laga soo musaafuriyay muwaadin Soomaali ah, kadib markii…

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Mareykanka ayaa dalkeeda ka masaafurisay muwaadin Soomaaliyeed oo horay loogu xukumay sababo la xiriira inuu gargaar u fidiyay Ururka Al-Shabaab ee ka dagaallama Soomaaliya, sida ay waaxda cadaaladda ku sheegeen war-saxaafadeed ay soo saartay.

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Mahdi Maxamed Xaashi oo 31 jir ah ayaa laga soo saaray amarkiisa musaafurinta xafiiska fulinta Magaalada Chicago, kadibna waxaa soo qaaday diyaarad ay leedahay ICE Air Charter taasoo keentay Soomaaliya, waxaana lagu wareejiyay dowladda Soomaaliya sida Warbixinta lagu sheegay.

“Saraakiisha laanta Socdaalka iyo Kastamka Mareykanka ee loo soo gaabiyo (ICE) ayaa nin Soomaali ah kaxeeyey khamiistii kaas oo lagu xukumay sanadkii 2016-kii maxkamada degmada ee Mareykanka in uu gargaar u fidiyay urur argagixiso” ayaa lagu yiri warka waaxda socdaalka.

Laga soo bilaabo April 2008 ilaa Ogosto 2012, Xaashi wuxuu ka mid ahaa Al-Shabaabka Soomaaliya. Sanadkii 2012, waxaa loo soo gacan geliyay Mareykanka si uu ula kulmo dacwad oogista federaalka ee Bariga Degmada New York.

Ugu dambeyn, Mahdi Maxamed Xaashi ayaa qirtay dambiga ah inuu taageero maadi ah siiyay Al-Shabaab, 29-kii Janaayo 2016, waxaa lagu xukumay sagaal sano oo xarig ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...