Muqdisho (Halqaran.com) – Xisbiga Dan-Qaran ee uu hoggaamiyo Musharax Madaxweyne Amb, Daahir Maxamuud Geelle ayaa soo dhaweeyay heshiiska doorashada oo ay Madaxtooyada Soomaaliya ku gaareen Madaxweyne Farmaajo, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
War qoraal ah oo ka soo baxay Xisbiga Dan-Qaran ayaa waxaa lagu sheegay in Xisbiga uu niyad wanaag u muujinayo sida looga bogsaday in wax muddo kororsi ah carrabka lagu ballaariyo, sidoo kale uu ka digayo in lala yimaado isku day muddo kororsi si looga yimaado siyaasad nabdoon oo turxaan la’.
War-saxaafadeedka ka soo baxay Xisbiga Dan-Qaran ayaa sidoo kale lagu xusay, in Dowladda Madaxweyne Farmaajo ay aad uga liidato fulinta heshiisyada, iyada oo loogu baaqay in heshiiskan aan la hagar-daamin.
Haddaba halka hoose ka akhriso War-saxaafadeedka Xisbiga Dan-Qaran:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





