Friday, June 19, 2026
25.9 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay Shirka Ka socda Madaxtooyada Somaliya & Guddoomiye Mursal oo ku biiray

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxtooyada Soomaaliya waxaa markale dib uga bilowday Shirkii u dhaxeeyay Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Waxaa 24-kii saac  ee la soo dhaafay Madaxda kala duwan ee shirka ka qeyb galeysa waxaa ay ku jireen fasax si ay la tashiyo ula soo sameeyeen dhinacyada kale, balse dib la isugu soo laabtay si looga doodo arrimaha doorashada.

Wararka ayaa sheegaya, in Shirka oo xalay dib u bilaawday ay ku biireen guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo sii-hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Sidoo kale, Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhammaan Madaxda Dowlad goboleedyada ay ku adkeysanayaan qodobada qaar ee doorashada sida in la sameeyo guddi doorasho oo ah heer federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, in deegaannada doorashada ka dhaceyso ka badan 2 xarumood, in aan doorashada lagu gelin xisbiyo iyo in Ergooyinka aysan ka badan 101 illaa 150 ergo.

Khamiista Maanta ah ayaa la filayaa in shirka uu halkiisa ka sii socdo, waxaana shirkaasi isha ku haya saamileyda siyaasadeed ee dalka, Shacabka Soomaaliyeed iyo Xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...