Sh/Dhexe (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya, in kooxaha hubeysan subixii Khamiista maanta ah degmada Raage Geele ku dileen Shan Macallimiin Dugsi Qur’aan ah.
Wararka ay haleyso warbaahinta Halqaran.com ayaa sheegaya, in culimadaan Salaadda Subax kaddib ay u fariisteen Subac, iyagoo subcinaya ay soo weerareen rag hubeysan, sidaasina lagu laayay Macallimiintaasi.
Weerarkaan ayaa waxaa ku dhintay qaar ka mid ah Macallimiintii Subcinayay, iyagoo durba ay goobta ka baxsadeen raggii falkaasi geystay, sida ay sheegeen goobjoogayaal.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid loo aaneynayo inay ka dambeeysay falkaasi lagu laayay Macallimiin Subcinayay. Walow wararka qaar ay sheegayaan in loo dilay sababo la xirira aanooyin qabiil.
Falkan argagaxa leh ee saaka ka dhacay Degmada Raage Geele ayaa aad uga naxay dadka deegaanka, iyadoo baraha Bulshada lagu soo bandhigay meydadka Shanta Macallin Dugsi Qur’aan ee la laayay. waxaana lagu kala magacaabi jiray:
1 – Sheekh Daahir Xasan Cali
2 – Macalim Maxamuud Canbuure
3 – Macalim Maxamed Xuseen Axmed Caddaawe
4 – Macalim Mukhtaar C/laahi Cilmi, iyo
5 – Ow Muxumud Xasan Calli
Ugu dambeyn, ilaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe iyo kan degmada oo ku aadan falkii saaka lagu laayay Macallimiin Subcinayay.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





