Saturday, May 2, 2026
28.4 C
Mogadishu

In ka badan 200 Maxaabiis ah oo ka baxsatay Xabsi ku yaalla Uganda

Uganda (Halqaran.com) – In ka badan 200 oo maxbuus ayaa ka baxsatay xabsi ku yaala waqooyiga bari ee Uganda, sida ay saraakiishu sheegeen, waxay intaas ku daraan in ciidanka amniga ay baadi goobayaan maxaabiista baxsatay.

Maxaabiista ayaa dilay mid kamid ah ilaalada, ka hor inta aysan jabin jeelka Moroto, waxayna u jahaysteen dhanka buuraha oo magaalada xabsiga ku yaalo ku hareereysan.

Ciidanka iyo saraakiisha xabsiga ayaa ku howlan baadi goobka maxaabiista fakatay, kuwaas oo horey u qaatay 15 qori iyo rasaas badan.

Afhayeen u hadlay ciidanka ayaa sheegay in labo kamid ah maxaabiista la soo qabtay ka dibna la dilay.

Wakaaladda wararka AP waxay sheegtay in maxaabiista iska bixiyeen dharkii hurdiga ahaa ee maxaabiista, kadibna ayagoo qaawan ay buuraha ku carareen si aan loo soo qab qabanin.

Xabsiga Moroto waxaa uu ku yaala oogada sare ee buurta oo u dhow magaalada. Waana xabsiga ugu weyn magaalada Karamoja oo ku taala goobo taariikh ahaan dadkiisa Lo’da dhaqatada ahi isku dagaalaan, waxaana ku badan rabshada hubeysan.

Ugu dambeyn,m olole hub ka dhigis ayay dowladdu ka bilowday gobolka horaantii 2000, hub fara badan ayaana soo galay gacanta dowladda, laakiin waxaa wali ka dhacaya gobolka isku dhacyo goos goos ah oo u dhexeeya bulshooyinka degaanka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...