Muqdisho (Halqaran.com) – Sii-hayaha ra’iisul wasaaraha XF Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya Mr Staffan Tillander.
Labadan Mas’uul ayaa kulankooda kaga hadlay xoojinta xiriirka joogtada ah ee ka dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Sweden.
Mr. Mahdi Maxamed Guuleed iyo Amb. Staffan Tillander ayaa sida wadajir ah waxa ay u sheegeen, inay ka go’an tahay inay xoojinayaan calaaqaadka ka dhaxeeya labada dowladood.
Sii-hayaha ra’iisul wasaaraha dalka iyo Safiirka Sweden ee Soomaaliya ayaa kaga mahadceliyay dowladda Sweden taageerada iyo garab istaaga ay siiso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com








