Sunday, May 31, 2026
28.5 C
Mogadishu

Maxaa ka soo baxay kulankii dhexmaray Madaxda Koonfur Galbeed & Puntland?

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa xalay hoyga uu ka deganyahay Muqdisho ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Puntland, Mudane Siciid Cabdulaahi Dani oo Booqasho iyo Salaan ugu yimid.

Labadan mas’uul ayaa qaatay kulan ku saabsanaa isxog wareysi iyo kala warqaadasho Arrimaha Siyaasadda Dalka, doorka labada Dowlad goboleed ay ka qaadanayaan Geedi socodka Dowladnimada Dalkeena, ka shaqeynta Amniga, Hormarinta Dhaqaalaha, la dagaalanka Argigixisada iyo Horumarinta Bulshada.

Sidoo kale, Kulanka ayaa labada Madaxweyne Saciid Deni iyo Laftagareen kaga hadleen Wanaajinta iyo iskaashiga labada maamul ee Puntland iyo Koonfur Galbeed iyo deddaalada lagu dardargelinayo hannaanka dowladeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Dani Booqashada ugu Yimid.

Ugu dambeyn, waxaa kulamadaan inta badan diiradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka iyo sidoo kale sidii Mowqif Mideysan looga qaadan lahaa doorashada 2020 ilaa 2021-ka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...