Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa safar deg-deg ah oo aan horay loo sii shaacin waxaa uu ugu ambabaxay magaalada Nairob ee dalka Kenya.
Diyaarad uu UN-ka leeyahay ayaa la sheegay in uu ka raacay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, iyada oo weli aan si rasmi ah loo ogaan waxyaabaha uu ku qotomo safarka Madaxweynaha Galmudug ee Nairobi.
Safarkaan deg-dega ah ee Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xilli maalinta berri ah lagu wado in uu Muqdisho ka furmo shirka Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.
Si kastaba, warar ayaa sheegaya, in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Qoorqoor uu isla berri gelinka hore dib ugu soo laaban doono Caasimadda Muqdisho.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





