Saturday, May 2, 2026
30.9 C
Mogadishu

Axmed Madoobe oo amray laamaha Amniga baaritaan deg-deg ah qaraxii Kismaayo

Kismaayo (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa kulan la qaatay Sarakiisha Hay’adaha Amniga ee Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa faray inay keenan baaritaanada dhacdooyinkii u dambeeyay ee dhinaca Amniga ah oo ay ugu dambaysay qaraxii shalay Al-Shabaab ay la beegsadeen dad Shacab ah iyo masuuliyiin kasoo baxay masaajidka qadiim ee Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa faray Ciidamada Nabad sugida iyo Booliska inay dardar galiyaan howlgalada sugida nabadgalyada muwaadiniinta, isagoo xusay in loo baahan yahay feejignaan dheeri ah.

Sidoo kale, wuxuu Sarakiisha Ciidamada Darawiishta ka dhagaystay natiijada howlgalka ka socda wadada xiriirisa Degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow isagoo ammaanay.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa waxaa uu sheegay in howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii socon doonan Ciidamada ammaanka Magaalooyinkana looga baahan yahay inay kasoo dhalaalan masuuliyada sugida nabadgalyada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...