Thursday, July 16, 2026
25.2 C
Mogadishu

Faah-faahin qaraxii ka dhacay Nawaaxiga Madaxtooyada & Wararkii ugu dambeeyay

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin ka soo baxaya qaraxa jugtiisa laga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, wuxuuna qaraxaasi ka dhacay bannaanka hore ee maqaayadda Blue Sky.

Halka uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa ku yaalla bar Koontarool oo laga ilaaliyo madaxtooyada Villa Soomaaliya, una dhow Taalada Xaawo Taako.

Inta la xaqiijiyay 3 ruux ayaa ku dhintay qaraxaasi oo ahaa qof naftiis haliga ah oo waxyaabaha qarxa isku soo xiray, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro kale.

Wararka ayaa sheegaya, in dadka qaraxaasi ku dhintay uu ka mid ahaa Ilmo yar oo Caseeye ah oo illaa iyo hadd aan la aqoonsan meydkiisa, sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda warfaafinta, Mudane Ismaaciil Orange.

Waxaa hadda kacsan xaaladda goobta uu qaraxa ka dhacay, waxana goobta howlgallo baaritaan ah kawada ciidamada dowladda, lama oga in dad loo qabtay qaraxaasi iyo in kale.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...