Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin dheeraad ah ka soo baxaya, weerar culus oo ay Al-Shabaab ku qaaday subixii Talaadada maanta ah degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo qiyaastii 30 km u jirta Caasimadda Muqdisho.
Weerarkaan oo ahaa mid si aad ah u soo abaabuleen Al-Shabaab, ayaa waxaa u suuragashay inay gudaha ugu galaan Xaafado ka mid ah Degmada Balcad intii xabada ay ka dhaceysay Magaalada.
Warbaahinta ku hadasha Afka Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegeen, Ciidamada weeraray Magaalada inay qabsadeen Saldhiga, Xarunta Maamulka Degmada Balcad iyo Koontaroolo kala duwan oo ah kuwa laga soo galo Magaalada, islamarkaana xabsiga Degmada Balcad ay ka sii daayeen Maxaabiis kala duwan.
Si rasmi ah looma xaqiijin karo sheegashada Al-Shabaab, balse dadka ku nool Magaalada Balcad ayaa xaqiijiyay in Shabaabka ay gudaha u soo galeen xaafado ka mid ah Degmada Balcad.
Intii dagaalka uu socday ayaa waxa ay waxyeelo ka soo gaartay rasaasta dagaalka la isku adeegsaday qaar ka mid ah dadka ku nool Magaalada Balcad gaar ahaan dumar ku jiray guryahooda oo rasaas wiifto ah ugu tagtay halkaasi.
Ugu dambeyn, waxaa hadda deggan xaaladda degmada Balcad, waxana dib ula wareegay guud ahaan ammaanka Magaalada Ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





