Friday, May 1, 2026
28.4 C
Mogadishu

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle oo ku sii jeeda Baydhabo (Ogow Ujeedka)

Baydhabo (Halqaran.com) – Madaxweynayaasha dowlad gobleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa maanta ku sii jeedda Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Koonfur Galbeed.

Ladan mas’uul ayaa kulan muhiim oo wadatashi ah la yeelan doonna Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafgareen).

Waxaana kulankaasi diiradda lagu saari doonaa sidii loo adkeyn lahaa qodobbadii kasoo baxay Shirkii Dhuusamareeb3.

Madaxweynayaasha Saddexdaan maamul goboleed ayaa lagu soo warramayaa inay si weyn uga soo horjeeddaan kulanka magaalada Muqdisho ee madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, Saciid Deni iyo Axmed Madoobe oo lagu casuumay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...