Muqdisho (Halqaran.com) – Wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee dalka ayaa Axadda maanta ah shaacinaysa natiijada imtixaanka dawliga ah ee dugsiyada sare.
Imtixaanka dowladda sanadkan waxaa ka qaybgalay inka badan 34-kun oo arday oo kala jooga deegaannada Jubbaland, koofur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo gobolka Banaadir.
Munaasabadda shaacinta natiijada imtixaanka oo ay ka qaybgalayaan madaxda wasaaradda waxbarashada dalka iyo mas’uuliyiin kale ayaa dhawaan ka furmaysa xarunta Akademiyadda cilmiga fanka iyo suugaanta ee magaalada Muqdisho.
Imtixaanka dawliga ah ee dugsiyada sare oo la qaban jiray bisha May sanad kasta ayaa sanadkan dib ugu dhacay xayiraadaha ka dhashay Cudurka safmareenka Fayraska Karoona (COVID-19).
↓Sii Akhri Wararka Maanta oo Xiiso Leh:
Sii-hayaha RW dalka ‘Mahdi’ oo kulan la qaatay madaxweyne ku-xigeenka Galmudug
Ciidamada Kumaandooska Danab oo gaaray deegaanka Shabeelow ee lagu dagaalamay
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





