Wednesday, April 29, 2026
29.9 C
Mogadishu

Update: Wararkii ugu dambeeyay toogasho ka dhacday Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) –  Ciidamada Nabad suggida ayaa xalay waqti dambe magaalada Muqdisho ku toogtay nin ka mid ahaa Saddex ruux oo ku hawlanaa aasida waxyaabaha Qarxa, xilli ay rabeen inay ku aasaan Degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Masuuliyiinta maamulka Degmada Yaaqshiid ayaa sheegay 3:00 Xalay rag hubaysan inay isku dayeen Miino inay galiyaan wado ka mid waddooyinka Degmada Yaaqshiid, balse xogtooda la helay oo Ciidamada ay ku baxeen.

Wararka ayaa intaasi ku daraya, in halkaasi ay ka dhacday israsaaseyn, maadaama raggii hubaysnaa ay isdifaaceen, waxaana u suuragashay Ciidamada Nabad Suggida inay toogtaan ninkii ku hawlanaa aasida miinada, halka labadii kale ay baxsadeen.

Cabdullaahi Shiilow, guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee degmada Yaaqshiid ayaa sheegay in ay israsaaseyntu imaatay, kaddib markii ragga hubaysan ay diideen inay isdhiibaan.

“Saddex nin oo ku hubeysan Bistoolado  islamarkaana xambaarsan miinooyinka wax lagu qarxiyo, ayaa waxaa xogtooda helay Ciidamada Nabad sugidda ee degmada Yaaqshiid. Markii ay xogta heleen ciidamadu waxaa ay u dhaqaaqeen howlgal, waxaana israsaaseen ay dhex martay ciidamada iyo raggii miinooyinka xambaarsanaa waxaana goobta ku geeriyooday mid ka mid ah ragii, waxaana la helay miinooyinkii” ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka arrimaah bulshada ee degmada Yaaqshiid Cabdullaahi Shiidoow.

Ciidamada Nabad Suggida ayaa hadda gacanta ku haayo miinooyinkaasi, kadib markii ay ka soo qaadeen goobtii la isku rasaaseeyay.

Ururka Al-Shabaab ayaa waayahan dambe waxa ay ku soo aruureen Miinooyin inay ku aasaan waddooyinka Caasimadda Muqdisho oo ciidamada ay ku qarxiyaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...