Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa warbixin ka horjeediyay kulanka Golaha Joogtada ah ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Mr. Deni ayaa Aqalka Sare la wadaagay warbixin ku saabsan Xaaladda Puntland, dhinacyada amniga , Siyaasadda, dhaqaalaha iyo guud ahaan shaqooyinka Dowliga ah iyo horumarka socda.
Madaxweynaha Puntland, ayaa sidoo kale wuxuu Aqalka Sare uga warbixiyey marxalada dalku marayo, Shirarkii Dhuusamareeb iyo dadaalka Dowladda Puntland ku bixinayso in ay Dalka ka dhacdo Doorasho la isla ogolyahay oo wakhtigeeda ku dhacda.
Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mudane Mowliid Xuseen Guhaad, Xubnaha Golaha joogtada ah, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland, La taliyeyaal Madaxweyne iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





