Muqdisho (Halqaran.com) – Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Khamiistii maanta markale weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay inuu dalka ka tuuraayo haadaan, taasoo uu hadhow sheegay in masuuliyadeeda qaadi doono.
Muuse Suudi ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu ujeeddo gaar ah ka leeyahay shirka lagu wado in uu Magaalada Muqdisho kula yeesho Madaxda Puntland iyo Jubbaland.
Senetor-ka ayaa sheegay, in shirkan uu yahay mid aan loo dhammeen, waxa uu intaa ku daray in la qabanayo xilli aanu dalku lahayn Ra’iisal Wasaare.
”Waxaan aragnaa heshiis aan loo dhammeen inuu meesha ka socda Farmaajo ayaana wada, dalkaan wanaag kama uu rabo keligiis waaye, cidna kuma eedeyno.” Ayuu yiri Senator Muuse Suudi.
Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayuu ku eedeeyay inuu wado kala qaybin bulsho iyo iska horkeenid, islamarkaana uu ka leeyahay dan u gooni ah, sida uu yiri.
Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa tilmaamay in Madaxweynaha looga baahanyahay inuu si deg deg ahi ku soo magacaabo Ra’iisal Wasaaraha, haddii kalana uu doorashada ka soo hormariyo waqtigeeda, bacdamaa xukuumaddii doorashada qaban laheyd aanay dalka jirinba.
Hadalka Senator Yalaxow ayaa xoojinaya carrada ay Siyaasiyiinta Beelaha Hawiye ka muujinayan, sida uu Madaxweynuhu uga soo daahay soo magacaabidda Ra’iisal Wasaaraha cusub, kadib markii Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BF Soomaaliya, ay 25-kii bishii Luulyo ay rideen Ra’iisal Wasaarihii Xukuumadda, Mudane Xasan Cali Khayre.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





