Thursday, July 16, 2026
25.2 C
Mogadishu

Duq Muqdisho oo isbeddel ku sameeyay guddoomiyeyaasha degmooyinka G/Banaadir

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa isbeddal ku sameeyay qaar kamid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka Muqdisho.

Guddoomiyihii hore ee degmada Xamar Jajab, Guhaad Sheekh Xasan ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha cusub ee degmada Dharkeenley.

Xoghayihii degmada Dharkeenley, Mudane Maxamed Suudi ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Degmada Xamar Jajab.

Sidoo kale, guddoomiyaha cusub ee degmada Shibis ayaa loo magacaabay Cali Axmed Cabdulle.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in isbeddel lagu sameeyo qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Magacaabista uu maanta sameeyay Duqa Muqdisho, Cumar Filish ayaa ka taagan dood, lamana oga sida dooda taagan xal loogu heli doono.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...