Tuesday, May 12, 2026
27.3 C
Mogadishu

DF Somaliya oo soo xirtay Wajiga labaad ee tira koobka Shaqaalaha dowladda + SAWIRO

Muqdisho (Halqaran.com) – Sii-hayaha wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Sadiq Xirsi Warfa ayaa xarunta Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda ku soo xiray wajiga labaad ee tirakoobka madax ka tiriska Shaqaalaha Rayidka Dowladda.

Tirakoobka waxaa la marsiiyay howlwadeennada Hay’adaha Dowladda iyo shaqaalaha aan la marsiin wajiga koowaad ee tirakoobka Shaqaalaha Rayidka.

“Muddo toddobaad ah oo tirakoobka uu socday, waxaa maray dhammaan shaqaalaha fasaxa iyo cudurdaaradda ku maqnaa iyo hay’adaha aan la tirakoobin shaqaalahooda, tanina waxay ka dhigan tahay in la dhammaystiray tirakoobka shaqaalaha.” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda, Mudane Xasan Abshirow Maxamed.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Sadiq Xirsi Warfa ayaa ku sheegay ujeeddada laga leeyahay tirakoobka Shaqaalaha Dowladda , kor u qaadidda tayada shaqaalaha iyo dhismaha kayd dhexe si loo gaaro daahfurnaan.

“Tirakoobka shaqaalaha oo aan dadaal galinay waxaan ku doonaynaa inuu door ka qaato horumarinta Shaqaalaha oo muhiim u ah gaarista yoolalka dib u dhis ee dalka.” ayuu yiri isagoo inta ku daray “ Waxaan diiradda saaraynaa sidii daahfurnaan lagu gaari lahaa oo ay fursadaha shaqooyinka u noqdaan kuwo si siman looga faa’iideysto.”

Wasiir Sadik Warfa, ayaa u mahadceliyay guddiga Shaqaalaha Rayidka iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo si wadajir ah uga shaqeeya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...