Jowhar (Halqaran.com) – Ciidamada booliska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa gacanta ku soo dhigay Aabe wiilkiisa xalay ku dilay magaalada Jowhar ee Gobalka sheellaha dhexe
Eedeysanaha oo lagu magacaabo Maxamed Dhayoow aya xalay wiilkisa oo lagu magacaabi jiray marxuum Xasan Maxamed Dhaayoow ku riday Wabiga Shabeelle.
Warar ayaa sheegaya, in Aabaha dhalay wiilkan uu ka xirey labada lugood iyo labada gacmood, kadibna ku dhex tuuray Wabiga Shabeelle xilli habeen oo mugdi ah.
Aabahaan dilay Wiilkiisa ayaa lagu xiray saldhiga booliska magaalada Jowhar, waxaana hadda ku socda baritaan.
Sarakiish amniga ayaa sheegay in eedeysanaha uu hadda ku jiro gacanta ciidamada amniga baarintaana uu ku soco, wixii ka soo kordhana ay warbahinta la wadaagi doonaan.
Si kastaba, Aabe Maxamed Dhayoow Aadan ayaanan weli la caddeyn sababta ka dambeysa in uu Wiilkiisa Wabiga ku rido.
Dhacdadan ayaa waxaa aad uga naxay Bulshada kala duwan ee ku nool Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





