Baydhabo (Halqaran.com) – Iyadoo maalmihii la soo dhaafay uu kordhay weerarrada Xubno ka tirsan maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab ka geystaan deegaannada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa waxaa taliska Ciidanka Xoogga dalka uu soo saaray qorsho looga hortagayo weeraradaas.
Taliyaha qeybta 60aad ee Ciidamada Xoogga Dalka, Genaral Maxamed Sheekh Cabdullaahi ayaa ku amray dhammaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ee ku sugan deegaannada maamulkaas inay dib ugu laabtaan Xeryahooda iyo difaacyadii ay ka shaqeyn jireen.
General Maxamed Sheekh Cabdullaahi ayaa waxaa uu ku eedeeyay Madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed inay ilaalo ka dhigteen Ciidamadii loo baahnaa inay sugaan Amniga deegaannada Maamulkaas,
Sidoo kale, wuxuu taliyaha ku ku amray dhammaan Ciidamada inay difaacyadooda dib ugu soo laabtaan.
Taliyaha qeybta 60aad ee Ciidamada Xoogga Dalka, Genaral Maxamed Sheekh Cabdullaahi ayaa sheegay, in Madaxda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee soo wareejin waaya askarta ilaalada u ah ee loogu talo galay difaacyada inay si amar la’aan ah uga soo wadan doonaan si Ciidamadaas ay u noqdaan kuwa Shaqadooda qabsada.
Halka hoose ka dhageyso Codka Genaral Maxamed Sheekh Cabdullaahi:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





