Tuesday, April 21, 2026
28.4 C
Mogadishu

Qoorqoor oo baaq deg-deg ah u diray Shacabka reer Galmudug

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa Shacabka Galmudug ugu baaqay inay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Ururka Al-Shabaab oo uu sheegay inay dhibaato ku hayaan deegaanno ka mid ah maamulka.

Qoorqoor ayaa sheegay in guulo muhiim ah in laga gaaray dagaallo Al-Shabaab iyo Shacab ku dhexmaray deegaannada Shabeellow iyo Bacaadweyne ee Mudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa xusay, in Al-Shabaab maalmihii lasoo dhaafay ay dhaq-dhaqaaqyo ka billaabeen deegaanno ka mid ah Galmudug, loona baahan yahay in laga shaqeeyo sidii looga hortagi lahaa.

Ugu dambeyn, Qoorqoor ayaa sheegay, in maamulka Galmudug dhawaan ay qaadi doonto howlgal weyn oo Al-Shabaab looga saarayo deegaannada ay kaga sugan yihiin Galmudug.

Ururka Al-Shabaab ayaa gacanta ku haya degmooyinka Xarardheere, Ceeldheer iyo Ceelbuur oo muhiim u ah maamulka Galmudug.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...