Friday, April 17, 2026
28.9 C
Mogadishu

DAAWO VIDEO: Madaxweynaha Puntland oo sheegay Ujeedka loo qabtay Shirkii Garoowe

Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka warbixiyay sababaha ka dambeeyay inay magaalada Garoowe kulan gaar ah ku yeeshaan, isaga iyo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)

Madaxweyne Saciid Deni ayaa sheeegay, in shirkaasi uu lahaa hal ujeedo oo ah sidii Madaxda Puntland iyo Jubbaland ay mowqif midaysan uga yeelan lahaayeen Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaanna Arrimaha Doorashada 2020/2021.

Wuxuu kaloo xusay, in shirkii ay Magaalada Garoowe ku yeesheen isaga iyo Axmed Madoobe uu ku soo dhammaaday guul, islamarkaana ay soo wada saareen go’aano ay ku mideysan yihiin.

Ugu dambeyn, waxaa maalmaha soo socda la filayaa in Madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Jubbaland inay soo gaaraan Magaalada Muqdisho si madaxda Sare ee DFS ugala hadlaan arrimo la xiriira doorashooyinka.

Halka hoose ka daawo muuqaalka Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland:

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...