Kismaayo (Halqaran.com) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Jubbaland ayaa maanta dil ku xukuntay Dable, Faarax Cabdirashiid Cilmi oo horay ugu eedaysnaa in uu dilay marxuum Cabdi Muxumed oo ahaa Qof shacab ah.
Dable Faarax Cabdirashiid Cilmi oo ah ninka falka dilka lagu helay sida uu sheegay Garsooraha Maxkamada Ciidamada Jubbaland Bashiir Maxamuud Xareed ayaa ka tirsanaa Ciidanka daraawiishta Jubbaland ee deegaanka Cabdalla Biroole.
Maxkamadda ayaa sidoo kale, Saddex Sano oo xabsi ciidan ah ku ridday eedaysane, Maxamed Rashiid oo isna katirsanaa Ciidamada Daraawiishta Jubbaland.
Garsooraha maxkamada Ciidamada Jubbaland Bashiir Maxamuud Xareed ayaa ku dhawaaqay xukunka lagu riday Faarax Cabdirashiid Cilmi.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





