Saturday, May 2, 2026
28.3 C
Mogadishu

Shirkii Dhuusamareeb 3 oo la soo gabagabeeyay & M/weyne Farmaajo oo dib ugu soo noqday Muqdisho +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo soo xiray Shirweynaha Wadatashiga DF Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo ku qabsoomay magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ka warbixiyey Geeddi socodka dheer ee loo soo maray sidii looga miro dhalin lahaa wadahadalladan horseeday Heshiiska Hannaanka Doorashada dalka.

Madaxweyne Farmaajo oo uga mahadceliyey Dowlad Goboleedka Galmudug bulsho iyo Madaxba sida ay u martigeliyeen Shirarka Dhuusamareeb ayaa ka aqbalay codsi ay soo gudbiyeen oo ku saabsan in magaca magaalada lagu mataaneeyo xusuusta shirarkan taariikhiga ah, sidaas darteed Madaxweynuhu waxa uu ku dhawaaqay in loo bixiyey magaalada magaca Samareeb, si loogu maamuuso Shirarkan lagu jaangooyey hannaanka doorashooyinka dalka.

“Maadaama Doorashadu ay tahay mid heer Federaal ah heshiiska aan halka ku gaarnay waa mid aan u qaadnay dhammaan shacabka Soomaaliyeed, annagoo ugu baaqayna walaalaha ka maqnaa Shirka in ay ku soo biiraan dhammeystirka wixii shaqo ah oo inoo dhiman.”

Dhankooda, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo bogaadiyey heshiiska Shirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa ka warbixiyey dadaalkii mugga weynaa ee la geliyey sidii ay uga soo qeyb gali lahaayeen dhammaan Dowlad Goboleedyada, taas oo xoojinaysa isu-tanaasulka, is ogolaanshaha iyo ka shaqeynta danta guud.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa dul istaagay hannaanka loo maray heshiiska doorashooyinka dalka, caqabadaha ku xeernaa iyo dadaalka mugga weyn ee Madaxdu ay ku bixiyeen qorsheynta doorasho ka turjumaysa duruufaha dalka iyo hiigsiga shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in lasii ambaqaado Heshiiska Dhuusamareeb 3, kaas oo ku yimid dadaal heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed oo mug weyn.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed ayaa dhankiisa tilmaamay in heshiiska Shirku uu ku saleysan yahay aragti wadaag loo dhanyahay, Muwaadin kastana uu waajib ka saaran yahay qabsoomidda doorashadan.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha JF Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdiga weheliyey ayaa intaas kaddib waxa ay dib ugu soo laabteen magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...