Friday, May 1, 2026
29.9 C
Mogadishu

Jubbaland ‘‘Waan ka tashaneynaa qodobbadii ka soo baxay Shirka Dhuusamareeb 3‘‘

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Duqa Muqdisho ayaa waxaa ay go’aan ka gaareen nooca ay noqoneyso doorashada Soomaaliya, xilli kulankii ay ku yeesheen Dhuusamareeb ay ka maqnaayeen Puntland iyo Jubbaland.

Maamullada Jubbaland iyo Puntland oo aan ka qeyb-gelin wajiga Saddexaad ee Shirka Magaalada Dhuusamareeb ayaa hora dhowr jeer ugu eedeeyay Madaxweyne Farmaajo in uusan fulin heshisyo uu la galay sidoo kale Xukuumadda xilka sii-heysa ay gaarayaan go’aano masiiri ah oo sharci darro ah.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo la hadlay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in War-murtiyedka ay soo saareen Madaxdii ku shirtay Dhuusamareeb uu si kedis ah ku soo gaaray, hayeeshee Maamulka Jubbaland ay ka tashanayaan Go’aankii ay ka qaadan lahaayeen.

Dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa horay u diiday ka qeyb-galka Shirka Dhuusamareeb, iyaga oo sheegay in dalka aysan laheyn xukuumada fulisa waxyaabaha ay ku heshiiyaan, waxaana ay Madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqeen in uu Ra’iisul Wasaare soo Magacaabo.

Ugu dambeyn, Madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa waxaa la filayaa inay soo saaraan go’aamo a xiriira mowqifkooda ku aadan qodobadii ay soo saareen Madaxdii ku shiraty Dhuusamareeb, go’aamadaas oo laba midkood noqonaya inay taageeraan ama kasoo horjeestaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...