Tuesday, May 12, 2026
27.3 C
Mogadishu

Madaxwaynihii dalka Mali oo is-casilay, kaddib markii la soo…

Mali (Halqaran.com) – Madaxweynaha dalka Mali Ibrahim Boubacar Keita ayaa xalay saqdi dhexe ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka, kaddibna kala diray baarlamaanka, saacado kaddib markii ay ciidamo ka tirsan millatariga oo fallaagoobay xireen isaga iyo Ra’isul wasaare Boubou Cisse.

Keita oo xirnaa marada afka lagu daboolo daal bandanna uu ka muuqday, ayaa is casilaaddiisa uga dhawaaqay khudbad gaaban oo uu ka jeediyay telefishanka qaranka, isaga oo jooga xero millatari oo ku taalla deegaanka Kati oo 15 km u jira magaalada madaxda.

Kacdoon isla xerada Kati ka dhacay sannadki 2012-ki ayaa u xuub siibtay afganbi ay millatariga ku rideen madaxweynihi hore ee Mali Amadou Toumani Toure.

Faransiiska oo gumeystay Mali iyo dalalka kale ee xiriirka dhaw la leh Mali ayaa ka cabsi qaba, in afganbi lagu sameeyo Keita ay uga sii dari karto colaadda hadda ka oogan Mali.

Midowga Africa iyo Qaraada Midoobay ayaa cambaareeyay xariga ay milatariga u geysteen madaxda dowladda Mali, iyaga oo amray in si deg deg ah xorriyadooda loogu soo celiyo madaxweynne Mali Ibrahim Boubacar Keita iyo Ra’isulwasaare Boubou Cisse.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...