Jowhar (Halqaran.com) – Maamulka Hirshabeelle ayaa waxa uu sheegay in culeyska ammaan ee ka jira waddada xiriirisa Jowhar iyo Muqdisho ay sabab u tahay Al-Shabaab badan oo kasoo cararay dagaallada Shabeellada Hoose oo soo galay Shabeellada dhexe.
Wasiirka Amniga Hirshabelle Maxamed Cabdiraxamaan Kheyre oo la hadlay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in xilligan ay dareemayaan culeys amni oo ka jira wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.
Wasiirka ayaa sheegay Shabaabkii ugu badnaa ee ka soo cararay Gobolka Shabellaha Hoose inay soo gaareen deegaanno badan oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe, maadaama labada gobol ay xuduud wadaagaan.
Hawlgalada Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Amisom ayuu sheegay inay ka soo firxadeen Shabaabkaasi, islamarkaana ay soo dhoobteen wadada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho, waana sababta amni darrada halkaasi uga jirto.
Ugu dambeyn, wasiirka Amniga Hirshabelle Maxamed Cabdiraxamaan Kheyre ayaa sheegay macluumaadka amniga iyo xogaha Shabaabkaasi inay ku wargeliyeen Hay’adaha ammaanka ee Dowladda Soomaaliya, uuna rajeynaayo in arrintaasi wax laga qabto.
Halka hoose ka dhageyso Codka Wasiir Kheyre:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





