Hobyo (Halqaran.com) – Ciidanka Danab ayaa lagu soo warramayaa inay xalay howlgal ay ka fuliyeen deegaanno hoos yimaada degmada Hobyo ee gobolka Mudug, iyagoona ku soo qabaty dhowr ruux oo sheegay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab.
Saraakiisha Ciidanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalkaan uu ahaa mid qorsheysan, islamarkaana Ciidanka howlgalka fuliyay ay kasoo ruqaansadeen Saldhigooda Magaalada Gaalkacyo.
Taliyaha Ciidanka Danab qeybta maamulka Galmudug ayaa sheegay in dadka lasoo qabtay lagu sameyn doono baaritaano.
Ciidanka Danab ayaa hadda ku sugan deegaanno ka mid ah ku yaalla Aaga degmada Hobyo, waxaana ay sheegeen in ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka Ururka Al-Shabaab.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





